Skip to content
Quick exitFirst NationsTranslationsGet helpSearch

Sida aan kuu caawin karno

Australia waxay jeceshahay inay isu aragto dal cadaalad ah. Waxaa Nasiib Daro ah, mararka qaar dadka waxaa loola dhaqmaa si aan caddaalad ahayn, Tusaale sida ay u egyihiin, meesha ay ka yimaadeen ama waxa ay rumeysan yihiin. Victoria (Fiktooriya) gudaheeda waxaa ka jira sharciyo dadka ka ilaaliya anshax darrada iyo Guddiga Sinnaanta Fursadaha iyo Xuquuqda Aadanaha ee Victoria (Fiktooriya) wuxuu caawiyaa dadka si xun loola dhaqmay. Raadi xuquuqdaada iyo sida aan kuu caawin karno.

 

Close up of a smiling young Somalian woman.
Ku saabsan KomishankaXuquuqdaadaSida aan kuu caawin karnoNala Soo xiriir

Maxaan sameyn karaa haddii aan la kulmo dhaqan xumo?

Waxaad awoodi kartaa:

  • nala soo xiriir si aad u hesho macluumaad ku saabsan xuquuqdaada
  • Ka warbixi wax dhacay
  • aad sameyso cabasho rasmi ah.

Waxaad ka akhrisan kartaa wax badan oo ku saabsan xulashooyinka hoose, oo ay ku jiraan waxa dhaca markii aad cabasho sameyso.

Waxaan rabaa macluumaad ku saabsan xuquuqdeyda

Waxaan kuu sheegi karnaa xuquuqdaada, waana kuu sharxi karnaa haddii aan kaa caawin karno dhibaatadaada.

Mararka qaar kuma caawin karno. Haddii tani dhacdo, waanu kuu sheegi doonaa sababta oo waxaannu isku dayi doonnaa inaanu soo jeedinno urur kale oo kaa caawin kara.

Nala soo xiriir si aad macluumaad u hesho

 

Waxaan rabaa inaan ka warbixiyo wax dhacay

Haddii aad rabto inaad noo sheegto khibradaada, laakiin aadan rabin inaad sameyso cabasho rasmi ah, waxaad noo sameyn kartaa warbixin adiga oo adeegsanaya Qalabkayaga Warbixinta Bulshada. Qalabku waa Ingiriisi.

Qalabka Ka Warbixinta Bulshada waa hab deg deg ah oo aad noogu sheegto waxa dhacay, ama waxaad ka walwalsan tahay.

Maaha inaad noo sheegto magacaaga laakiin, haddii aad rabto, waxaad weydiisan kartaa qof ka socda Guddiga inuu kula soo xiriiro oo isku dayo inuu ku caawiyo.

Faahfaahintaada lama wadaagi doonno cid kale. Macluumaadkaaga waan xafidi doonaa.

Markii dadku noo soo sheegaan waxa ka dhacaya beeshooda, waxay naga caawinaysaa inaan ogaanno haddii dhibaato jirto. Markaa waxaan ku sii fiicnaan karnaa caawinta bulshada.

Waxaan rabaa inaan sameeyo cabasho rasmi ah

Waxaad ka samayn kartaa cabasho ku saabsan:

  • takoorid
  • faraxumeyn
  • Cay ama midab takoor
  • dhibaateyn.

Haddii aad sameyso cabasho rasmi ah waxaan isku dayi doonaa inaan kaa caawinno xallinta dhibaatadaada.

Samaynta cabasho waa bilaash umana baahnid qareen.

Mararka qaarkood wax kama qaban karno cabashadaada. Haddii tani dhacdo waxaan kuu sheegi doonnaa sababta oo waxaan isku dayi doonnaa inaan soo jeedinno urur laga yaabo inuu ku caawiyo.

Nala soo xiriir si aad u sameyso cabasho

Kama qaban karno cabashooyinka ku saabsan Axdiga Xuquuqda Aadanaha iyo Mas’uuliyadaha

Waxaan ku siin karnaa macluumaad ku saabsan xuquuqdaada aadanaha laakiin haddii cabashadaadu ay ku saabsan tahay hay’ad dawladeed oo jabisay Axdiga, waxaad la xiriiri kartaa Ombudsman-ka Victoria.

Waxa aad u baahan tahay inaad noogu sheegto cabashadaada

Si aad nooga caawiso inaan fahamno cabashadaada, waa inaad isku daydaa inaad noo sheegto sida ugu macquulsan, oo ay ku jiraan:

  • macluumaadkaaga xiriirka. Waxaan marwalba ilaalin doonaa arimahaaga gaarka ah umana siin doonno faahfaahinta xiriirkaaga cid kale.
  • faahfaahinta wixii kugu dhacay, goobta iyo goorta
  • faahfaahinta cidda cabashadu ku saabsan tahay iyo xiriirka aad la leedahay iyaga (tusaale ahaan, haddii ay yihiin loo shaqeeyahaaga, jaamacaddaada ama tababarahaaga isboortiga).

Waxa aan ku samayn doono cabashadaada

Markii aan helno cabashadaada dib ayaan u eegeynaa si aan u aragno haddii aan ku caawin karno iyo in kale. Si loo hubiyo, waxaa laga yaabaa inaan u baahanno inaan ku weydiino macluumaad dheeraad ah.

Waxaan sidoo kale ku weydiin doonaa nooca xalka ama natiijada aad raadineyso, sida raali gelin, magdhaw maaliyadeed ama balanqaad ah in dabeecadda la joojiyo.

Markii aan kulahadlo kadib, qof katirsan Komishanka ayaa lasooxiriiri doona qofka ama hay’ada aad ka cabaneysid. Waxaan:

  • U sheeg dacwadaada
  • weydiiso faallooyinkooda
  • Ogaadaan haddii ay diyaar u yihiin inay xalliyaan cabashadaada.

Markaa waan kula soo socodsiin doonnaa waxay yiraahdeen. Haddii aad labadiinuba isku raacdaan waxaan kaa caawin doonaa inaad ku xalliso cabashadaada habka loo yaqaan heshiisiinta.

Heshiisiinta iyo sida ay u shaqeyso

Heshiisiintu waxay noqon kartaa wado lagu xalliyo cabashadaada qofka ama hay’adda. Waxay isku dayeysaa inay u oggolaato labada dhinacba inay sharxaan waxa dhacay oo ay helaan waddo lagu xalliyo arrimaha.

Dib-u-heshiisiintu inta badan waa hab lagu guuleysto oo lagu xalliyo cabashooyinka. Dadka isticmaalay hawlaheena heshiisiinta waxay yiraahdaan waa cadaalad waana fududahay in la fahmo waxayna ka caawisaa inay la yimaadaan xalal wanaagsan.

Kaqeybqaadashada heshiisiinta waa ikhtiyaari.

Komishanku awood uma laha inuu amarro bixiyo ama magdhaw bixiyo.

Haddii aan kaa caawin karin inaad xalliso cabashadaada

Mararka qaarkood wax kama qaban karno cabashadaada. Haddii tani dhacdo waxaan kuu sheegi doonnaa sababta oo waxaan isku dayi doonnaa inaan soo-jeedinno urur kale oo ku caawin kara.

Was this page helpful?
Please select Yes or No and the second form section will appear below:

Address
Level 3, 204 Lygon Street Carlton Victoria 3053

General enquiries
enquiries@veohrc.vic.gov.au

Reception
1300 891 848

Enquiry line
1300 292 153 or (03) 9032 3583

Interpreters
1300 152 494

NRS Voice Relay
1300 555 727 then use 1300 292 153

Media enquiries
0447 526 642

The Victorian Equal Opportunity and Human Rights Commission acknowledges that we work on the traditional lands of the Wurundjeri people of the Kulin Nation. We also work remotely and serve communities on the lands of other Traditional Custodians.

We pay our respects to their Elders past and present.