Ku saabsan Komishanka
Australia waxay jeceshahay inay isu aragto dal cadaalad ah. Waxaa Nasiib Daro ah, mararka qaar dadka waxaa loola dhaqmaa si aan caddaalad ahayn, Tusaale sida ay u egyihiin, meesha ay ka yimaadeen ama waxa ay rumeysan yihiin. Victoria (Fiktooriya) gudaheeda waxaa ka jira sharciyo dadka ka ilaaliya anshax darrada iyo Guddiga Sinnaanta Fursadaha iyo Xuquuqda Aadanaha ee Victoria (Fiktooriya) wuxuu caawiyaa dadka si xun loola dhaqmay. Raadi xuquuqdaada iyo sida aan kuu caawin karno.

Waa maxay Komishanku?
Komishanku waa hay’ad madax-bannaan oo loo abuuray inay isku daydo inay joojiso midabtakoorka, dhibaataynta galmada, iyo cayda midab-takoorka iyo diinta.
Waxaan ka caawinnaa dadka inay xalliyaan cabashooyinka ku saabsan dhaqamadan aan caddaaladda ahayn iyo sidoo kale:
- Siinta macluumaad ku saabsan fursadaha loo simanyahay iyo xuquuqda aadanaha dadka iyo ururada
- Waxbarid iyo latashi lala sameeyo ururada si looga caawiyo inay cadaalad noqdaan
- In la sameeyo cilmi baaris iyo baaritaano ku saabsan takoorida halista ah iyo dhibaateynta galmada
- waxaan ku dhiiri galineynaa Dowlada Victoria (Fiktooriya) inay sameyso sharciyo adag si loo ilaaliyo dadka, loona hubiyo in sharciyadayada hada jira ay shaqeynayaan.
Sidee buu Komishanku ii caawin karaa?
Waxaan kuu sheegi karnaa xuquuqda aad u leedahay in si cadaalad ah laguula macaamilo, ama waad noo sheegi kartaa haddii si cadaalad daro ah laguu’la dhaqmay. Waxaan awoodi karnaa inaan ka caawinno dhaqanku inuu istaago oo aan kaa helno raali gelin ama magdhow.
Ma bixinno talo sharci laakiin waxaan kuu sheegi karnaa wax badan oo ku saabsan xuquuqdaada iyo sharciyada Victoria (Fiktooriya) ee difaacaya xuquuqdaada.
Shuruucdani waxay dadka ka ilaalinayaan in cadaalad daro lagu’la dhaqmo nolosha bulshada. Iyagu lama xiriiraan dabeecadaha gaarka ah, sida waxa ka dhaca guriga.
Soo ogow sida aan kuu caawin karno
Waan ku caawin karnaa haddii aad la kulantay dhaqan aan caddaalad ahayn, oo ay ku jiraan:
- takoorid
- faraxumeyn
- cay ama midab takoor
- dhibaateyn
Waxaan sidoo kale kuu sheegi karnaa Axdiga Xuquuqda Aadanaha iyo Waajibaadka Victoria (Fiktooriya).
Goorma ayuu Guddiga komishinku i caawin karin?
Ma caawin karno haddii dabeecadda ay ku dhacday meel qarsoodi ah (tusaale ahaan, guriga).
Kama caawin karno su’aalaha ku saabsan:
- xaaladdaada fiisaha ama arrimaha socdaalka
- arrimaha booliska
- arrimaha la xiriira ururada federaalka (sida Wasaaradda Arimaha Gudaha).
Waxaan ku siin karnaa macluumaad ku saabsan Jaartarka Victoria ee Xuquuqda Aadanaha iyo Mas’uuliyadaha laakiin ma qaban karno cabashooyinka la xiriira Axdiga.
Ururada kale ee laga yaabo inay ku caawin karaan hadii anaga aan ku caawin Karin:
Magangalyo doonka, qaxootiga iyo muhaajiriinta
Sharciga Qaxootiga
Ph: (03) 9413 0100, 10 am-2pm, Arbaco iyo Jimco
Xuquuqda Macaamiisha
Arimaha Macaamiisha Victoria
Ph: 1300 55 81 81
Rabshada qoyska ama faraxumaynta galmada
1800 Ixtiraam
Ph: 1800 737 732
Turjubaan: 13 14 50
Xadgudubyada iyo cabashooyinka xuquuqda aadanaha ee ku saabsan ururada dawladda Victoria (Fiktooriya)
Ombudsman Victoria (Fiktooriya)
Ph: (03) 9613 6222 ama 1800 806 314 (gobolka kaliya ee Victoria, Fiktooria)
Dib u dhaca socdaalka, fiisaha iyo muwaadinimada, iyo xarumaha dadka lagu hayo
Commonwealth Ombudsman
Ph: 1300 362 072
Taageero sharci
Caawinta Sharciga ee Fiktooriya
Ph: 1300 792 387
Cabashooyinka ku saabsan habdhaqanka booliska
Guddiga Madaxa-bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa
Ph: 1300 735 135
Xuquuqda kireystayaasha (caawimaadda dadka guryahooda kireysta)
Kireystayaasha Victoria
Ph: (03) 9416 2577
Khadadka talobixinta kireystayaasha guryaha ee bulshada: 1800 068 860
Caafimaadka haweenka
Xarunta Dhaqamada Kala Duwan ee Caafimaadka Haweenka
Ph: 1800 656 421
Arimaha badbaadada goobta shaqada ama xoog sheegashada
WorkSafe Victoria
Khadka talobixinta: 1800 136 089
Xaaladaha Degdegga ah: 13 23 60